Baaq iyo Cambaarayn

May 14, 2017

imagesUKUTXSC3Anaga oo ku hadlayna magaca Guurtida qaydar, waxaan si weyn u cambareynayna falkii foosha xumaa ee ka dhacay magalada Goljanno, loona geystey hawl wadeenadii haya’adda sama-falka ah, uuna horkacayey Mohamud Ahmed Suleiman Geedeeye.

 Waxaa wax laga xumaado ah dad maslimiin iyo tolba ah oo u adigaaya maato jilicsan geerina qarka u saran, in loogu abaal gudo xabad iyo argagax. Waxaana arrintaas u aragnaa arrin dano gaar ah laga leeyahay, masuuliyadeeda waxaa iska leh shakhsigii iyo dadkii ku gacan qabtay in falkaas xumi dhaco.

 Haddan nahay beesha reer Qaydar gude iyo dibadba waxaan Guddiga iyo odayaasha bahweynta reer Goljanno ka codsanaynaa in si degdeg ah loo baadho wixii ka danbeeyey falkaas foosha xun, ciddii ay ku cadaatana la hor geeyo sharciga, tolkana la soo dhex dhigo.

 

Alla mahad leh

 

Mahadsanidin

Guddida Golaha Qaydar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *