TACSI: YASIN AXMED SULUB

March 27, 2017

tacsiWaxaa maalintii Jimcihii ee bishu ahayd 24 March ku geeryooday magaalada DirirDawa ee dalka Ethiopia, ALLA HA U NAXARIISTEE YASIN AXMED SULUB.

Dhammaan qoyska reer Geedeeye oo kala jooga adduunka hareerihiisa, waxay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeryooday alla ha u naxariistee Marxuun Yasin Axmed Sulub, annagoo ilaahay ka baryayna in uu ilaahayna samir iyo iimaanna inaga siiyo isagana u naxariisto.

Waxaan si gaara tacsidan ugu diraynaa guud ahaan qoyska reer Axmed Sulub iyo gaar ahaan qoysaskii iyo carruurtii Yasin Axmed Sulub ka geeryooday annagoo ka tiiraanyaysan geerida marxuunka.

WAXAANU ILAAHAY KA BARYAYNAA INUU MARXUUNKAA NAXARIISTII JANNO KA WARAABIYO , KUNA MANAYSTO DURDURADA FIRDAWSA EE ILAAHAY ADDOOMIHIISA WANAAGSAN UGU TALA GALAY.

 

 

 

AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN ……

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *